Obamas welcome Singh, guests to state dinner
Event expected to make statement about first couple’s sense of style-----------

Halkaan Ka Daawada Burcadkii Afduubay Oday Iyo Habar British ah
CURRENT NEWS:
.Shir Lagu Qabtay Seattle Washington O Ay Ka Soo Qaybgaleen Dhamaan Jaaliyada Rer Seattle Washington Shirkaas Waxaa Lagu Casuumay Marwo Caasho Geele Halkaan Ka Daawada


Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid” iyo wefdi balaaran u hogaaminaayo oo todobaadyadi ugu dambeeyey ku sugnaa qaar ka mid ah degaanada Puntland iyo Maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta dib ugu noqday Magaalada Muqdisho Halkaan Aqri


Garowe: Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo ku eedeeyey Shariif Sheekh Axmed in uu ka soo horjeedo horumarka Puntland.Halkaan Aqri
15. november 2009 

Safiirka dowladda midnimada qaran ee u fadhiya wadanka Sudan oo maanta daboolka ka qaaday in aysan safarada masuul ka ahayn qofkii aanan magaciisa ka diiwangalin safarada sanadka cusub ee 2010 .

Halkaan Aqri oct/9/2009
Saxafitiintii la sii daayay oo ka anbabaxay Muqdisho kuna sii jeeda Magaalada Nairobi ee xaunta wadanka Kenya. 
Posted: 11/26/2009 9:59:00 AM 
Shabelle: MUQDISHO
Wasiirka amniga qaranka dowladda KMG ayaa sheegay in labada wariye ee ajaanibta ahaa ay ka dhoofeen garoonka Aadan Cadde Airport ee Magaalada Muqdisho iyagoo ku wajahan Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.















Max’ed C/laahi Sanbaloolshe Wasiirka amniga qaranka dowlada KMG

ayaa sheegay in sii deysmada Amanda Lindhout oo aheyd saxafiyadii u dhalatay wadanka Canada iyo Nigel Brennan oo ah filim qaade u dhashay wadanka Australia ay timid kadib markii aduun lacageed oo gaaray $7000,000 (todobo Boqoloo Kun oo doolar) oo maalintii shalay oo arbaco aheeyd ay gaartay kooxihii afduubta ugu heystay gudaha wadanka Soomaaliya kuwaasi oo markii dambe sii daayay saxafiyiintani.



Labadaan saxafi oo u kala dhashay wadamada Canada iyo Australia oo xalay dib u helay xoriyadooda kadib mudo 15 bilood ah oo ay ku aduubnaayeen gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ka warbixiyeen xaaladooda sida ay aheeyd intii ay ku jireen gacanta kooxaha aduubayaasha.



Labada Wariye oo lagu kala magacaabo  Amanda Lindhout oo u dhalatay dalka Canada iyo Nigel Brennan oo ah filim qaade u dhashay wadanka Australia ayaa lagu afduubtay inta u dhaxeysa MUqdisho iyo Afgooye sanadkii 2008-da xili ay soo indha indheynayeen goobo ay ku suganyihiin dad barakacayaal ah.



Nigel Brennan oo ah saxafiga sawir qaadaha ah  ee u dhashay wadanka Austur ayaa BBC-da u sheegay in xaaladoodu ay tahay mid wanaagsan islamarkaana intii ay gacanta ugu jireen kooxihii heystay aanay jirin wax dhibaato ah oo loo geystay inta aan ka aheeyn in ay xoriyadoodii waayeen,waxaana uu sheegay in uu haatan xaqiijinayo in uu gacantooda ka baxay kooxihii heystay.



“Waan fiicanahay Xaaladeenu waa ay wanaagsantahay hadda waxaan ku suganahay hoteelka Saxafi waana caafimaad qabnaa aniga iyo Amanda Lindhout”ayuu yiri Nigel Brennan xili oo saakay joogay Muqdisho.



Dhinaca kale saxafiyadda u dhalatay wadanka Canada ee lagu magacaabo Amanda Lindhout ayaa waxaa ay shegtay in intii ay gacanta ugu jirtay in aanay jirin wax dhibaato iyo xadgudubyo ah oo shaqsi ahaan iyada iyadoo beenisay Su’aalo ay saxafiyiinta weydiiyeen safayidaasi oo aheeyd in loo geystay xadgubyo kale  oo ay ka mid tahay in la Uureeyay isamarkaana ay canug dhashay.



“Maya maya waan wanaagsanahay wax dhibaato dhibaato ah ma qabo mudo dheer ayaa afduub naloo heystay hase yeeshee hadda waan fiicanahay”ayay si farxad leh u tiri Amanda Lindhout oo BBC-da wareysi siinaysay.



Labadaan saxafi ee ajaanibta ah ee u kala dhashay dalalka Canada Australia ayaa waxaa laga afduubtay duleedka Magaalada Muqdisho iyadoo uu xiliga uu afduubkoodu dhacayay sidoo kalelala afduubay wareye Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/fitaax Max’ed Cilmi.

Duraan5@gmail.com

www.allgaracad.com


Custom Search
Leave Your Comment
Saxafitiintii la sii daayay oo ka anbabaxay Muqdisho kuna sii jeeda Magaalada Nairobi ee xaunta wadanka Kenya. ///////////
Ted Dagne - speaking to Rep. Donald Payne's press release on Puntland ... ------